Askar Ka Tirsan Ciidamada Dowladda Oo Lagu Laayay Degmada Walanweyn

BAYDHABO-AYAAMAHA-Wararka laga helayo degmada Walanweyn ee gobolka Shabeellaha Hoose ayaa waxaa ay sheegayaan in uu halkaasi ka socdo dagaal u dhaxeeya ciidamo ka tirsan Daraawiishta Koonfur Galbeed & Maleeshiyo Beeleed ku sugan degmadaas.

Iska hor imaadka ayaa yimid, kadib markii maleeshiyaadka hubeysan ay weerar gaadmo ah ku qaadeen bar-koontarool oo ciidamada Koonfur Galbeed ay ku leeyihiin xaafadda Muuri oo ka tirsan degmada Walanweyn ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Inta la xaqiijiyay Afar Askari ayaa dhimatay halka laba kalena ay ku dhaawacmeen, sida ay inoo xaqiijiyeen Goobjoogayaal ku sugan Walanweyn ee Gobolka Shabeellaha hoose.

Barta-koontorool ee lagu weeraray Ciidamada ka tirsan daraawiishta koonfur Galbeed ayaa dhowr jeer uu dagaal ka dhacay, kadib markii ay weerareen maleeshiyaad degaanka ah.

Xaaladda goobihii lagu diriray ayaa haatan aad u kacsan, waxaana halkaasi laga dareemaya dhaq-dhaqaaqyo ciidan oo u dhexeeya labada dhinac.