Banaabaxyo Lagu Taageeraayo Madaxweyne Farmaajo oo Saaka Lafilayo ineey Muqdisho Kadhacaan iyo Wadooyinka Magaalada oo Laxiray.

Ciidanka Dowlada ayaa saakay xiray inta badan wadooyinka ugu muhiimsan magaalada Muqdisho, iyadoo isu socodka  dad weynaha iyo gaadiidka goobaha Qaar ay xranyihiin.

Waxaa la arkayaa dadka shacabka ah oo saaka lugeynaya waddooyinka mana jiraan wax gaadiid dadweyne oo isticmaalaya waddooyinka waa weyn ee ay inta badan shacabku isticmaali jireen.

Sababta ka dambeysay arintan ayaa lagu sheegay in ay tahay in maanta la filayo in magaalada Muqdisho uu ka dhaco banaanbax lagu taageerayo madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya.

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa wada diyaar garowga ugu weyn qaban qaabada  banaanbaxa , iyadoona  lagu wado in kumanaan dadweyne oo laga keeno degmooyinka ay ka qeyb galaan banaan baxa.

Waxaa lagu wadaa in Banaanbaxa lagu qabto taalada Daljirka Dahsoon ee Magaalada Muqdisho.

Wixii ku soo kordha la soco