Bandow Saaka Lagu Soo Rogay Gaalkacyo iyo Wararkii ugu Danbeeyay+Baaritaano Socda.

Waxaa saakay bandow lagu soo rogay maagalaada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug oo shalay qeybo ka mida ah ay ka  dhaceen qaraxyo khasaare badan geystay.

Wado walba oo kamid ah xafadaha magaalada Gaalkacyo waxa lagu arkayaa ciidamada amniga oo goobaha qaar baaritaano ka waada.

Gabi ahaanba maagalada Gaalkacyo wax isku socod ah majiro maanta, goobihii ganacsiga iyo waxbarashada magaalada ayaa xiran, waxaana xaafadaha qaar ka socda baaritaano guri guuri ah.

Qof isku soo xiray waxyaabaha qarxa ayaa shalay gelinkii dambe beegsaday dad ku howlanaa soo dhaweynta ra’iisul wasaare Rooble oo gaaray Gaalkacyo, waxuuna galaaftay nolosha in ka badan 10-qof, tiro intaas ka badana dhaawacyo ayaa soo gaaray.

Saraakiisha ku dhimatay weerarkan ayaa waxaa laga xusi karaa Taliyihii Qaybta 21-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka, General Cabdicasiis Cabdullaahi Cabdi (Qooje), Taliyihii Kumaandooska Danab ee Qaybta 21-aad, Korneyl Mukhtaar Cabdi Aadan, Taliye Kuxigeenkii Kumaandooska Danab, Marsha Mire, Sarkaal kale oo ka tirsanaa Qaybta 21-aad, laguna magacaabi jiray Axmed Baaraaf, Duqii hore ee Magaalada Gaalkacyo, Maxamuud Yaasiin Tumey iyo dhawr askari oo kale.

Ismiidaaminta ayaa ka dhacday afaafka hore Garoonka Kubadda Cagta ee Cabdullaahi Ciise, xilli loogu diyaargaroobayay in lagu soo dhaweeyo wafdiga Ra’iisal Wasaare Maxamed Xuseen Rooble oo shalay galab gaaray magaalada Gaalkacyo.

Maadaama la baaraayay dadkii gelaayay Garoonka Cabdullaahi Ciise, ee doonaayay inay ka qayb qaataan soo dhaweynta wafdiga Ra’iisal Wasaaraha, ayuu qofkii isa soo miidaamiyay uu isku qarxiyay Saraakiil ka tirsaneyd Taliska Qaybta 21-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka, oo xilli ay ku sugnaayeen afaafka hore ee garoonka.