Cabsi Laga Qabo ineey Khalalaasooyin Ka Dhacaan Uganda Kadib Doorashooyinka Socda.

Madaxweynaha 76-jirka ah ee talada haya Yoweri Museveni, oo muddo 35 sanadood ah dalkaasi soo xukumayay, ayaa doonaya in shanta sano ee soo socota mar kale la doorto.

Murashixinta la baratameysa waxaa ugu cad-cad Robert Kyagulanyi, oo loo yaqaan Bobi Wine oo 35 sano jir ah, kana tirsan baarlamanka dalkaas.

Dalka Uganda oo ay ku nool yihiin Soomaalida badan ayaa laga cabsi qabaa inuu saameeyaan doorashada ka socota dalkaasi.

Cabsi xoog leh ayaa laga qabaa in dalka Uganda uu lugaha la galo khalalaaso iyo jahwareer siyaasadeed.

Intii lagu guda jirey ololihii doorashada dalka Uganda ayaa waxaa lagu diley illaa konton ruux ayay ciidamada Boolisku dileen,kadib markii banaanbaxyo rabshado wata laga dhigey qaar kamid ah degmooyinka dalka Uganda.

Qadadkii Internetka ayaa la jaray waxaana la dhigey ciidamo faro badan wadooyinka soo gala goobaha ay codbixintu ka socotay