Ciidanka Gor-Gor Oo Al-Shabaab Kala Wereegay Degaan Cusub

BAYDHABO-AYAAMAHA-Ciidanka kumandooska Gorgor ee xoogga dalka ayaa la sheegay in saaka  Al-shabaab kala wareegeen degaanka Gendershe ee gobolka Shabeelaha hoose, ka dib howlgal ballaaran oo ay ka fuliyeen goobo la sheegay in ay ku dhuumaleysanaayeen  Xubno ka tirsan Al-shabaab.

Taliyaha ciidanka lugta Janaraal Maxamed Tahliil Geedi, ayaa hor kacaya howlgalka saaka ciidanka ku qaadeen degaanka Gendershe, waxaana howlgalku uu ahaa mid qorsheysan sida ay Saraakiishu ka dhawaajiyeen.

Wararka waxay intaas ku darayaan in ciidanka si nabad geliyo ah kula wareegeen degaanka,  Alshabaab ayaa isaga baxay  ka hor inta aan ciidanka aysan soo gaarin.

Degaanka Gendershe, waxaa uu ka tirsan yahay degmada Marka ee xarunta gobolka, waa degaan dadka ku dhaqan u badan yihiin kalluumeysato.