DEG DEG Ciidanka Booliska oo Xir Xiray Dad Banaanbax Ka Dhigayay Muqdisho. .

Ciidamada booliska Soomaaliya ayaa maanta kala eryay dad dibad bax ka dhigayay wadada maka Al-mukarama ee Magaalada Muqdisho, waxaana banaanbaxa looga soo horjeedo madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Banaanbaxayaasha ayaa waxaa ay wateen Boorar ay ku qoran yihiin Maadxweyne Farmaajo (Maya) doorasho xor iyo xalaal ah ayaan rabnaa inay dhacdo.

Ciidamada booliska ayaa rasaas ku kala eryeen dadka banaanbaxa dhigayay, mana jirto khasaaro la soo weriyay.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in ciidamada booliska Soomaaliya ay xireen qaar ka mid ah dadka ka qeyb galayay banaanbaxa oo isugu jira dhalin yaro iyo haween, kuwaasi oo lagu xiray saldhigyada ku yaala Magaalada Muqdisho.

Ma jiraan weli wax war ah oo ka soo baxay laamaha ammaanka ee dowladda Federaalka Soomaaliya