DEG DEG Golaha Musharaxiinta Madaxweynaha Soomaaliya oo Si Kulul u Cambaareeyay Ciidamo Saaka Laduldhigay Guryo ay Daganaayeen.

Golaha Musharaxiinta Madaxweynaha ayaa si Kulul u Cambaareeyay Ciidamo saaka laduldhigay xaafado Ay daganaayeen Qaar kamid ah Xubnaha golaha musharaxiinta.

Golaha oo war qoraal ah soo saaray ayaa sheegay Ineey dhowr mar oo hore kadigeen in Ciidanka qaranka loo adeegsado Arimo siyaasadeed Iyagoo ugu Danbeyn sheegay in Ciidanka saaka laduldhigay wixii masuuliyad Darro ah ee ka yimaado uu Dusha saaran doono Madaxweyne Farmaajo.