DEG DEG Madaxweyne Lafta Gareen oo Goordhaw Ka Dagey Xudur.

Baledweyne Ayaamaha: Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta gareen iyo Wafdi uu Hogaaminayo ayaa gaaray Degmada Xudur ee Gobolka Bakool.

Madaxweyne Lafta-gareen iyo wafdiga la socda garoonka diyaaradaha ee degmada Xudur waxaa ku soo dhaweeyay mas’uuliyiinta maamulka gobolka Bakool iyo dad shacab ah.

Ujeedka safarka Cabdicasiis Laftageen ee Xudur ayaa maamulku ku sheegay ka jawaabida Baahiyaha Haysta Bulshada ku nool Degmada Xudur ee Gobolka Bakool.

Safarka Laftagareen ee Xudur ayaa imanaya xili degmada ay ka dhaceen dibadbaxyo aan taariikhda dhaw horay uga dhicin degmada oo dadku uga cabanayeen nolasha adag ee soo food saartay kaddib markii ay go’doomiyeen xoogagga Ururka Al-shabaab.

Dibadbaxayaasha ayaa ku eedeeyay madaxweynaha dowladda Soomaaliya iyo kan Koonfur Galbeed intaba in ay iska dhaga-marinayaan xaalada ay ku sugan tahay Xudur oo odayaasha qaarkood sheegeen in meelaha qaar dadka dhimasho qarka u saaran yihiin.

Inkastoo go’doominta Al-shabaab ee degmada Xudur aheyd mid muddo dheerba iska soo jirtay, haddana bilihii ugu danbeeyay Al-shabaab ayaa bilaabay in ay gubaan gaadiidka isku daya in ay si qarsoodi ah ku galaan degmada, taasoo keentay in gabi ahaanba ganacsatadu joojiyaan dhamaanba wixii maciishad ah ee gali lahaa mar haddii Al- shabaab ay dabqabadsiinayaan gaadiidkooda iyo hantida saaranba.