DEG DEG Qarax ismiidaamin ah oo Lala eegtay Reysulwasaare Rooble

Qof Soo Xirtay Jaakadaha Qarxa Ayaa Goordhaw isku Qarxiyay Albaabka Hore Ee Garoonka Kubada Cagta ee Magaalada Gaalkacyo Halkaasoo Ay Kasocotay Munaasabada Soo Dhaweynta Reysulwasaaraha Rooble.

Warar Kala Duwan Ayaa Kasoo Baxaya Qasaaraha uu Geystay Qaraxa Iyadoo Dadka Qasaaraha uu Gaaray ay Kamid Yihiin Saraakiil Ciidan.

Warar Soo Baxaya Ayaa Sheegay inuu Qaraxa Ku Dhintay taliye Ku xigeenkii Danab Marsho Sidookale Waxaa isna Lasoo Warinayaa inuu Dhaawac culus soo gaarey taliyaha Qaybta 21-aad Generaal Qooje Dagaari iyo saraakiil kale.

Sidoo kale Saraakiil iyo askar Katirsan ilaalada Gaarka ah Ee Reysulwasaaraha Ayaa lagu soo Waramayaa ineey waxyeeloobeen

Wixii war ah ee kusoo kordha Qaraxa halkan kala soco.