DEG DEG Saraakiil Turki ah oo Galabta Kadegay Degmada Quracjoome ee Gobolka Bakool

Baladweyne Ayaamaha: Wafdi uu hogaaminayo gudoomiyaha degmada ceel Barde haadi siyaad iyo masuuliyiin kale ayaa galabta gaaray degmada Quracjoome ee gobolka Bakool.

Wafdiga Gudoomiyaha waxaa qeyb ka aha Saraakiil Turki ah oo kasocda Hey,ado Caalami ah

Ujeedka wafdigan ay u tageen Quracjoome ayaa ah sidii ay ugu kuurgali lahaayeen xaalada abaaraha ee kajira Degmada Quracjoome iyo Kudhawaad 64 deegaan oo Hoosyimaado Kuwaas oo Maalmihii u Danbeeyay laga deyrinayay.

Wafdigan oo Caawa Ku Hoyanaya Quracjoome ayaa Lagu Wadaa in Maalmaha Soo Socda ay u Kuurgalaan Kudhawaad 64 deegaan oo Hoostaga Quracjoome oo Wajahaya Xaalad adag oo Dhanka Nolosha ah Xilli Guud ahaan Gobolka Bakool ay Kudhufteen abaaro Xoogan.

Socdaalka Wafdigan ayaa Yimid Kadib Qeylo dhaan Xoogan oo Katimid Dadka Deegaanka iyo Warbaahinta Maxalliga.