DEG DEG Sucuudiga oo Hakiyay Booqashada Xaramka.

Dowlada Sucuudiga ayaa ku dhawaaqday joojinta duulimaadyada caalamiga ah muddo toddobaad ah kadib markii uu soo ifbaxay culeys cusub oo la xirriira fayraska Corona.

Wasaaradda arrimaha gudaha ee Sucuudiga ayaa sheegtay in duulimaadyada caalamiga ah ee horeyba ugu jiray dalka loo ogolaan doono inay ka baxaan.

Masuuliyiintuna waxay sharraxeen in safarka dhanka badda sidoo kale la hakiyay toddobaad, iyadoo go’aankan dib u eegis lagu samayn doono muddo gaaban gudaheeda..

Go’aanka ayaa la filayaa inuu saameyn ku yeesho qorshayaasha kumanaan dad filayaay inay Xaramka tagaan dhawaan.