DEGDEG:- Saraakiil Katirsan Militariga Sooaaliya Oo La Weeraray.

MUQDISHO-AYAAMAHA-Wararka naga soo gaaraya duleedka Degmada Balamballe ee Gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in la weeraray saraakiil katirsan Militariga Soomaaliya.

Wararku waxaa ay sheegayaan in maleeshiyaad hubeysan ayaa jidka u galey oo rasaasna la dhaceen gaadiid ay la socdeen saraakiil ka tirsan Milatariga Soomaaliya.

Qasaare isugu jira dhimasho Iyo dhaawac ayaa lasoo warinayaa inuu ka dhashay weerarkaas lagu qaaday saraakiisha militariga Soomaaliya.