Faah Faahino Kasoo Baxaya Qaraxii Saaka Muqdisho Kadhacay

Muqdisho Aaamaha: Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya in qarax miino oo saakay ciidamo ka tirsan kuwa asluubta soomaaliya lagula eegtay meel u dhow madaxtooyadii hore ee Cabdi Qaasim oo aan ka fogeen Isgoyska Km4 ee degmada Hodan ee Magaalada Muqdisho.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in qaraxa uu haleelay gaadiid ay wateen ciidamada asluubta.

Goobjoogayaal ayaa Warbaahinta u sheegay in hal qof oo mooto bajaajle ah uu ku geeriyooday qaraxa, halka 5 askari ay ku dhaawacmeen.

Ciidamada booliska Soomaaliya ayaa xiray wadooyinka soo gala wadada, iyagoona halkaasi baaritaano ka wada.

Ma jiraan weli wax war ah oo ka soo baxay saraakiisha laamaha ammaanka ee dowladda Soomaaliya