Fure 50 sano ka hor lumay oo uu qof aan la aqoonin soo celiyay

MUQDISHO-AYAAMAHA-Fure qarnigii 11-aad loo sameeyay albaabbada dhisme ku yaalla UK ayaa dib loo soo celiyay kaddib markii uu lumay 50 sano ka hor.

Furan ayaa hadda lagu wareejiyay xarunta ka shaqeysa ilaalinta dhaqanka iyo aasaarta ee loo yaqaanno English Heritage.

Qof aqoonigiisa qariyay ayaa furaha u diray xarunta, wuxuuna sheegay in uu “amaahday sanadkii 1973-dii2, isagoo soo raaciyay warqad ay ku qoran tahay: “Waan ka xumahay sida aan ula soo daahay.”

Samantha Stone oo ka tirsan maamulka Xarunta English Heritage ayaa sheegtay in qofka dib usoo celiyay furaha uusan la kulmin wax dhibaato ah, ayna rajeynayaan inuu dib mar kale ula soo xiriiro si uu faahfaahin dheeraad ah u siiyo.

Furahan – oo la aaminsan yahay in la sameeyay xilli ka mid ah qarnigii 19-aad – ayaa wali galaya daloolka albaabbada dhismaha Norman Tower ee loogu talogalay, inkastoo aan lagu rogi karin hadda.

Macluumaad ah oo badan lagama hayo taariikhda dabaqan, gaar ahaan ujeeddii loo dhisay.

Dadka ayaa siyaasbo kala duwan uga hadlayay cidda lahaan jirtay dabaqan, dadka qaarna waxay sheegayaan in uu dhisay baadari degenaa magaalada Rochester ee dalka Ingiriiska, halka qaar kalena ay sheegayaan in uu dhisay nin baadari ahaa oo la dhashay boqor ka talin jiray halkaas oo la oran jiray William the Conqueror.