Galmudug oo Guddi u saartay werarkii saraakiisha lagu dilay

MUQDISHO-AYAAMAHA-War-kasoo baxay Wasaaradda Amniga Dowlad goboleedka Galmudug ayaa waxaa lagu sheegay in Ciidamada Amniga ay gacanta ku dhigeen mid kamid ah dadka lau tuhmayo in ay dilkaasi ka dambeeyeen, kaas oo ku hubeysan qoray AK47 ah.

Ciidamada Dowladda iyo kuwa Galmudug  ayaa weli  wada hawlgal lagu baadi-goobayo kooxihii dil wadareedka u geystay saraakiil ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya ka tirsanaa, dilkaas oo ka dhacay meel u dhow degmada Balanballe ee gobolka Galgaduud.

Wasaaradda Amniga Galmudug ayaa sidoo kale sheegtay in Maamulka degmada Guriceel iyo Ciidamada amniga inay ku guulaysteen in ay helaan mid ka mid ah saaraakiishii la weeraray oo la waysanaa oo badqaba, sidaasna waxaa weerarkaas ka badbaaday seddex sarkaal.

Wasaaradda Amniga Galmudug ayaa guddi baaritaan u saartay dhacdadii shalay galab ka dhacday meel u dhexeysa Guriceel iyo Balanballe kuwaasoo  baaritaan qotodheer ku samaynaya falkii weerarka saraakiisha, sida lagu sheegay war kasoo baxay Wasaaradda.