Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo ka hadlay dil ka dhacay Muqdisho

MUQDISHO-AYAAMAHA-Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed( Filish) ayaa marka hore digniin u diray ragga Burcadda ah ee dhaca iyo dilalka u geystay dadka Shacabka ah.

Cumar Filish ayaa sheegay in ragga Burcadda ah ee dhaca geysanaya ay yihiin kuwo isicmaalay waxyaabaha maanka dooriya, waxaana uu uga digay inay sii wadaan dhicida dadka shacabka ah.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa sidoo kale ka hadlayay dil xalay Xaafada Xaliimo Hiite ee degmada Kaaraan loogu geystay Darawal Mooto Bajaajle ahaa, waxaan uu sheegay in qofkii ka dambeeyay gacanta lagu dhigay.

Ugu dambeyn Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed( Filish) waxaa uu sheegay in Ciidamada ammaanka ay ku raad joogaan Nin xalay weerar bambaano ka geystay Magaalada Muqdisho.