Hanti Dhowraha Qaranka Oo Soo Bandhigey Lacago Dhowr Milyan Oo Ku Maqan Xafiisyada Dowladda.

MUQDISHO-AYAAMAHA-Sida ku qoran warbixinta xafiiska hanti dhowrka qaranka waxaa jira 17 hey’ad oo dowladda federaalka ah ka tirsan oo ay ku jiraan xafiiska madaxweynaha, xoogga dalka, NISA, maxkamadaha, xeer ilaaliyaha iyo dhowr wasaarad oo aan xisaab celin laga heyn 2019-ka.

Dhanka kale, waxaa barista hanti-dhowrka lagu odaagay in aan xisaab celin loo heyn  $113,422,508 kaas oo ay bixiyeen beesha caalamka, halka hey’adaha dowladda federaalka ah ee la baaray oo ay ku jiraan xafiiska ra’isul wasaaraha, golaha shacabka iyo wasaaradda dowladda lagu ogaaday in aan laheyn caddeymaha meesha ay ku baxeen lacago dhan US $5,305,364.48

Haddaba, Halkan hoose Ka Akhriso, Faahfaahinta Lacagaha Loo Waayey Caddeymo ama wax xisaab celinah.

Xafiisyadan hoose oo uu baaris ku sameeyey hanti-dhowrka qaranka 2019-kii, waxaa uu sheegay in lacago ay bixiyeen iyo dakhli ay qabteen aaney keenin wax xisaab-xir isla markaana aan loo heyn cadameymo halka ay ku baxeen.

Akhriso Faahfaahinta Xafiisyada: 

Golaha Shacabka:

Waxaa baarista hanti-dhowrka qaranka lagu sheegay in la ogaaday bixinta lacag dhan US $747,865.00 iyada oo aan lahayn caddeymo ku filan taas oo lid ku ah sharciga. Arrinkan ayaa sababay in la xaqiijin waayo sax ahaanshaha lacag bixintan.

Aqalka sare

Warbixinta Hanti-dhowrka ayaa sheegya in aqalka sare uu bixiyey  $51,000.00 bilihii February, April, June iyo July 2019 taas oo aan lahayn caddeymo ku filan sida; codsiga lacag bixinta ee bukaanka, foomamka ama warbixinta caafimaad, warqadaha qaansheegashada iyo lacag qabashada. Arrinkan ayaa sababay in la xaqiijin waayo sax ahaanshaha lacag bixintan.

Xafiiska Ra’isul wasaaraha:

Dhankiisa, xafiiska ra’isul wasaaraha waxaa uu bixiyey $163,806.49 iyada oo aan lahayn caddeymo ku filan taas oo lid ku ah sharciga. Arrinkan ayaa sababay in la xaqiijin waayo sax ahaanshaha lacag bixintan.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda:

Baarista Hanti-dhowrka waxaa ku jirta in la bixiyey lacag dhan US $399,559.40 iyada oo aan lahayn caddeymo ku filan taas oo lid ku ah sharciga. Arrinkan ayaa sababay in la xaqiijin waayo sax ahaanshaha lacag bixintan.

Wasaaradda Maaliyadda:

Hanti-dhowrka waxaa uu sheegayaa  in ay bixisay lacag dhan US $89,573.00 iyada oo aan lahayn caddeymo ku filan taas oo lid ku ah sharciga. Arrinkan ayaa sababay in la xaqiijin waayo sax ahaanshaha lacag bixintan.

Wasaaradda Qorsheynta:

Warbixinta Hanti-dhowrka waxaa ku xusay iney bixisay  lacag dhan US $448,771.00 iyada oo aan lahayn caddeymo ku filan taas oo lid ku ah sharciga. Arrinkan ayaa sababay in la xaqiijin waayo sax ahaanshaha lacag bixintan.

Wasaaradda arrimaha gudaha:

Qoraalka Hanti-dhowrka waxaa lagu sheegay  in la bixiyay lacag dhan US $215,900.00 iyada oo aan lahayn caddeymo ku filan taas oo lid ku ah sharciga. Arrinkan ayaa sababay in la xaqiijin waayo sax ahaanshaha lacag bixintan.

Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta:

Wasaaradda awqfaata iyo arrimaha diinta ayaa qabatay dakhli dhan $1,742,100 kaasi oo aan lagu darin xisaabta.

Wasaaradda Cadaaladda:

Waxaa baarista Hanti-dhowrka lagu ogaaday in la bixiyay lacag dhan US $17,800.00 iyada oo aan lahayn caddeymo ku filan taas oo lid ku ah sharciga. Arrinkan ayaa sababay in la xaqiijin waayo sax ahaanshaha lacag bixintan.

Wasaaradda Dastuurka

Waxaa barista xafiiska Hanti-dhowrka qaranka lagu ogaaday  in la sameeyey lacag bixin dhan US $3,797.00 iyada oo aan lahayn caddeymo ku filan taas oo lid ku ah sharciga. Arrinkan ayaa sababay in la xaqiijin waayo sax ahaanshaha lacag bixintan. Lacagahaas ma lahayn caddeymo dhammaystiran oo laga rabay

Wasaaradda Gashandhigga

Hanti-dhowrka qaranka, warbixintiisa waxaa uu ku sheegay  lagu ogaaday in la bixiyay lacag dhan US $98,984.00.00 iyada oo aan lahayn caddeymo ku filan taas oo lid ku ah sharciga. Arrinkan ayaa sababay in la xaqiijin waayo sax ahaanshaha lacag bixintan.

Wasaaradda amniga gudaha:

Isla baarista waxaa lagu odaagay in la bixiyay lacag dhan $409,408.00 iyada oo aan lahayn caddeymo ku filan taas oo lid ku ah sharciga. Arrinkan ayaa sababay in la xaqiijin waayo sax ahaanshaha lacag bixintan.

Wasaaradda Waxbarashada:

Hanti-dhowraha waxaa uu sheegay in  baarista wasaaradda  waxbarahada lagu ogaaday in la bixiyay lacag dhan US $17,845.20 iyada oo aan lahayn caddeymo ku filan taas oo lid ku ah sharciga. Arrinkan ayaa sababay in la xaqiijin waayo sax ahaanshaha lacag bixintan.

Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada

Waxaa baarista Hantidhowrka lagu ogaaday in la bixiyay lacag dhan US $251,282.00 iyada oo aan lahayn caddeymo ku filan taas oo lid ku ah sharciga. Arrinkan ayaa sababay in la xaqiijin waayo sax ahaanshaha lacag bixintan.

Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha

Baaris uu Hanti-dhowrka ku sameeyey hey’adda Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha in la bixiyay lacag dhan US $195,065.00 iyada oo aan lahayn caddeymo ku filan taas oo lid ku ah sharciga. Arrinkan ayaa sababay in la xaqiijin waayo sax ahaanshaha lacag bixintan.

Xafiiska Xisaabiyaha Guud:

Waxaa baarista lagu ogaaday in la bixiyay lacag dhan US $381,520.00 iyada oo aan lahayn caddeymo ku filan taas oo lid ku ah sharciga. Arrinkan ayaa sababay in la xaqiijin waayo sax ahaanshaha lacag bixintan.

Jaamacadda Umadda

Waxaa baarista lagu ogaaday in la bixiyay lacag dhan US $71,088.39 iyada oo aan lahayn caddeymo ku filan taas oo lid ku ah sharciga. Arrinkan ayaa sababay in la xaqiijin waayo sax ahaanshaha lacag bixintan.

Hey’adaha aan soo gudbin xisaabcelin

Xafiiska Madaxweynaha :

Waxaa baarista xafiiska Hanti-dhowrka qaranka lagu ogaaday in Xafiiska Madaxweynaha uusan lahayn habraaca iyo siyaasadda lagu maamulo hantida taas oo adkaysay ama suuragalin wayday in la xaqiijiyo ama la qiimeeyo shuruuradaha ama waxa ay hay’addu u isticmaasho guud ahaan maamulka hantida.

Dhanka kale, Hey’adaha hoose waa kuwa aan soo gudbin xisaab celin inta ay socotay baarista hanti-dhowrka, waxaa kale oo qoraalka ku jirtay in qaarkood ay bixiyeen lacago, galeenna heshiisyo aan waafaqsaneyn sharciga maaliyadda, lagana soo celin xisaab-xir.

  1. Maxkamadda Sare:
  2. Maxkamadda Banaadir
  3. Maxkamadda Racfaanka
  4. Xafiiska xeer ilaaliyaha guud
  5. Wasaaradda gargaarka iyo maareyta musiibooyinka
  6. Guddiga madaxabbaan ee doorashooyinka qaranka
  7. Xoogga dalka
  8. Booliiska
  9. Nabad sugidda
  10. Wasaaradda Batroolka
  11. Wasaaradda kaluumeysiga
  12. Hey’adda Duulista rayidka iyo saadaasha hawada
  13. Wasaradda ganacsiga iyo warshadaha
  14. Wasaaradda caafimaadka
  15. Wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada
  16. Maamulka gobolka Banaadir

Isha:-Goobjoog