Khilaafka Soomaaliya iyo Kenya oo waji kale yeeshay

MUQDISHO-AYAAMAHA-Urur Goboleedka IGAD ayaa sheegay in 20-ka Bishan Diiseembar uu shir ku qaban doono dalka Djibouti, balse faah-faahin dheeraad ah kama aysan bixin inkastoo Soomaaliya ay sheegtay in shirkaasi Jabuuti looga arrinsanayo xiriirka dibloomaasiyadeed ee Soomaaliya iyo Kenya.

Hadalkan ayaa yimid kaddib markii Soomaaliya ay warqad cabasho ah oo ka dhan ah Kenya u gudbisay Ra’iisul Wasaaraha Suudaan Cabdalla Xamduuk, ahna Guddoomiyaha Urur Goboleedka IGAD. Soomaaliya ayaa dhawaan Kenya ku eedeysay inay faragelin ku hayso arrimaha Soomaaliya.

Bishii la soo dhaafay dowladda Soomaaliya ayaa u yeeratay safiirkeeda Kenya, halka safiirka Kenya ee Soomaaliyana lagu war galiyey inuu dalkiisa wadatashi ugu laabto.

Xoghayaha joogtada ah ee wasaaradda arrimaha dibadda ee dawladda Fedaraalka Soomaaliya Maxamed Cali Nuur oo ka hadlay warbaahinta dawladda ayaa sheegay in Soomaaliya ay dib ugu yeeratay safiirkeeda Kenya danjire Maxamuud Axmed Nuur Tarsan, waxaana ay safiirka Kenya danjire Lucas Tumbo ku wargalisay in uu dalkiisa wadatashi ugu laabto.

Dawladda Federaalka Soomaaliya waxay Kenya ku eedeysay inay madaxweynaha Jubbaland ku cadaadinayso inuu fuliyo ajandaheeda siyaasadeed, taas oo carqaladaynaysa heshiiskii siyaasadeed ee doorashada Soomaaliya, islamarkaana ka hor imaanaysa hab dhaqanka diblomaasiyadeed ee dawladaha dariska ah.