Kuuriyada Waqooyi oo Soo Bandhigtay Gantaalo aan Horay Loo arag.

Dhowr ka mid ah gantaalada ayaa lagu soo bandhigay dhoolatus uu kormeerayay hogaamiyaha Kim Jong-un, sida ay ku warantay warbaahinta dowlada.

Bandhigga awoodda millatari ayaa ku soo beegmaya maalmo ka hor caleemo-saarkii Joe Biden ee madaxweynaha Mareykanka. Waxay sidoo kale daba socotaa kulan siyaasadeed naadir ah oo Mr Kim ku cambaareeyay Mareykanka inuu yahay “cadowga ugu weyn” dalkiisa.

Sawirro ay sii daayeen warbaahinta dowladda Kuuriyada Waqooyi ayaa muujinayay ugu yaraan afar gantaal oo waaweyn oo isugu jira madow iyo caddaan oo lagu wado dadweyne calanka ruxayay.

Falanqeeyayaashu waxay xuseen inay ahayd hub aan horey loo arkin,Khabiirka Kuuriyada Woqooyi Ankit Panda ayaa bartiisa Twitter-ka ku soo qoray “Sanad cusub, Pukguksong cusub,” isaga oo adeegsanaya magaca Kuuriyada Woqooyi ee gantaalaha ballistic-ka (SLBMs)