Madaxweynaha Koonfurgalbeed oo Kulamo Dadweyne Kabilaabay Xudur.

 

Xudur ayaa sidii uu ku ogaa Lafta Gareen ka liidatay todoba bilood ka hor, oo mar uu booqday magaaladaas ay Al-Shabaab go’doonka ku sii adkeeyeen lixdii bilood ee u dambeysay.

Madaxweyne Lafta Gareen ayaa xalay kulamo la qaaatay qeybaha bulshada magaaladaas iyo odeyaasha dhaqanka gobolka Bakool, kuwaas oo lagu gorfeeyey xaaladda nololeed oo ay wajahayaan dadka reer Bakool.

Lafta Gareen ayaa markii uu shalay tegay Xudur si kooban ula hadlay warbaahinta, waxuuna sheegay inuu u kuur gelayo baahiyaha dadka ku nool gobolkaas ay qabaan, isla markaana uu maamulkiis diyaar u yahay inuu wax ka qabto.

Madaxweyne Lafta Gareen  ayaa sidoo kale kulan la qaatay maamulka gobolka Bakool iyo kan degmada Xudur, waxuuna uu ka dhageystay warbixino la xariira xaaladda nololeed oo ay wajahayaan dadka reer Bakool.

Gobolka Bakool oo ka kooban shan degmo ayaana waxaa laga soo werinayaa in seddax ka mid ah ay ka jirto xaalad bini’aadanimo oo aad u daran, kadib markii ay Al-Shabaab kordhiyeen cunqabateynta dhinaca dhulka ah oo ay ku soo rogeen degmooyinka Waajid, Ceel-barde iyo Xudur