Madaxweyne Kuxigeenka Galmudug oo Shir De Deg ah isgu Yeeray Saraakiisha Ciidamada Kadib Xasuuqii Duuldka Balanballe.

Muqdisho Ayaamaha: Ku simaha madaxweynaha ahna madaxweyne ku bxigeenka Dowlada Galmudug mudane Cali Daahir Ciid ayaa shir gudoomiyay shirka amniga oo ka dhacay xarunta madaxtooyada Galmudug ee magaalada Dhuusamareeb.

Shirka amniga ayaa waxaa goob joog ka ahaa wasiirka arimaha gudaha saraakiisha hogaamisa qeybaha kala duwan ee ciidamada sida booliska, nabad sugida, GorGor, ciidanka Haramcad iyo Amisom.

Shirka waxaa looga hadlay guud ahaan amniga Galmudug gaar ahaan amniga caasimada, sidoo kale Saraakisha waxaa la faray amar ku saabsan sugida amniga Galmudug gaar ahaan ka falcelinta dhacdadi shalay ka dhacday Deeganka Xirsi Lugeey ee Duleedka Degmada Balanbale.