Madaxweyne Lafta Gareen oo Safar Deg Deg ah Maanta Kutagaya Xudur.

Baledweyne Ayaamaha: Madaxweynaha dowlad gobolleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa lagu wadda in saacadaha soo socda uu safar deg deg ah ugu anbabaxo degmada Xudur ee gobolka Bakool.

Degmada waxaa uga sii horreeya oo shalay gaaray xubno ka tirsan golaha Wasiirradda maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya kuwaa oo u sii gogol xaaraya safarka madaxweynaha

Safarka Laftagareen ee Xudur ayaa imanaya xili degmada ay ka dhaceen dibadbaxyo aan taariikhda dhaw horay uga dhicin degmada oo dadku uga cabanayeen nolasha adag ee soo food saartay kaddib markii ay go’doomiyeen xoogagga Ururka Al-shabaab.

Dibadbaxayaasha ayaa ku eedeeyay madaxweynaha dowladda Soomaaliya iyo kan Koonfur Galbeed intaba in ay iska dhaga-marinayaan xaalada ay ku sugan tahay Xudur oo odayaasha qaarkood sheegeen in meelaha qaar dadka dhimasho qarka u saaran yihiin.

Inkastoo go’doominta Al-shabaab ee degmada Xudur aheyd mid muddo dheerba iska soo jirtay, haddana bilihii ugu danbeeyay Al-shabaab ayaa bilaabay in ay gubaan gaadiidka isku daya in ay si qarsoodi ah ku galaan degmada, taasoo keentay in gabi ahaanba ganacsatadu joojiyaan dhamaanba wixii maciishad ah ee gali lahaa mar haddii Al- shabaab ay dabqabadsiinayaan gaadiidkooda iyo hantida saaranba.