Magaalada New York Nin Looga Shakiyay Alshabaab oo Maxkamad Lagu Soo Taagay isagoo Lagu eedeeyay inuu Diyaarad Ku Weerarirabay Mareykanka.

Xubin ka tirsan ururka Alshabaab una dhashay dalka Kenya ayaa la soo taagay maxkamad ku taal dalka Maraykanka isagoo lagu eedeeyay inuu doonayay inuu diyaarad uu afduubtay uu ku weeraro dalka Maraykanka.

Cholo Cabdi Cabdullaahi oo 30 sano jir ah ayaa tababar sida loo duuliyo diyaaradaha ku qaatay dalka Filibiin si uu qaab la mid ah qaabkii loo duqeyay Daaraha Mataanaha 9/11 uu ugu qaado dalka Maraykanka.

Hase yeeshee Cholo Cabdi ayaa dafiray dhammaan dambiyadoo lagu soo oogay, isagoo la soo taagay maxkamad ku taal magaalada New York,waxaana la amray in baaritaan dheeraad ah lagu sameeyo.

Cholo Cabdulah ayaa lagu qabtay dalka Filibiin sanadkii 2019 waxana uu haystey waxyaalaha qarxa,qori iyo bam gacmeed sida laga baahiyay CNN,balse shalay oo Talaado ahayd ayaa loo soo wareejiyay dalka Maraykanka.

Cabdulah ayaa wajahaya eedeymo badan oo la xiriira argagaxisanimo haddii lagu helana waxaa uu mudan karaa 20 sano illaa xabsi daa’in.

Xeer Ilaaliyaha Maxkamada ayaa sheegay in Cabdullah uu amarada ka qaadan jirey taliye ka tirsan Alshabaab kaasoo mas’uul ka ahaa weerarkii lagu qaaday hotel ku yaal dalka Kenya sanadkii 2019