Man uniteed guushii labaad gartay ee horyaalka premier league

Goolkii cajiibka ahaa ee uu Bruno Fernandes dhaliyay qaybtii danbe ee ciyaarta ayaa Manchester United u sahashay in ay guul ka gaadho Southampton oo marti ah.Laacibka

khadka dhexe ee Portugal ayaa gool ku laad ku dhaliyay gudaha diilinta ganaaxa daqiiqadii 55-aad wuxuuna dhaliyay goolka qura ee ciyaarta.Waxay ahayd si sax ah kooxda Erik ten Hag ay u baahneyd ka dib guushii ay ka gaareen Liverpool fiidnimadii Isniinta.

CASEMIRO oo kooxda kaga soo biiray real madrid ayaa ka mid ahaa bandhigii  ee galabta ee Red devils -ka.