Mareykanka oo War Kasoo Saaray Qasaaraha Kadhashay Weerarkii ay Ka Fuliyeen Deegaanka Buulo Fuulaay ee Gobolka Shabeelaha Hoose.

Muqdisho Ayaamaha: Taliska ciidamada Mareykanka ee Africa ayaa warsaxaafeed uusoo saaray ku sheegay in iyadoo lala shaqeynayo dowladda federalka ee Soomaaliya ay weerar cirka oo ka dhan ah Alshabaab ay 13kii Janaayo ee 2021ka ka fuliyeen deegaanka Buulo Fulaay ee Soomaaliya.

Qiimeyn hor dhac ah oo la sameeyay ayaa muujinaysa in weerarka lagu dilay howlwadeen ka tirsan Alshabaab laguna burburiyay xarun ay halkaasi ku lahaayeen.

Warkan kasoo baxay taliska ciidanka Mareykanka ee Africa ayaa sidoo kale lagu sheegay inaysan jirin wax rayid ah oo ku dhintay ama ku dhaawacmay howlgalkasi.

Weerarka Buula Fulaay iyo weerarradii kale ee dhowaanahanba waxay muujinayaan go’aankeenna aan ku burburinayo awoodda Alshabaab ay halista ku galin karaan Soomaaliya iyo dariskeeda ayuu yiri Maj. Gen. Dagvin Anderson oo ka tirsan ciidanka cirka ee Mareykanka islamarkaana ah ah taliyaha howgalka qaaska ee taliska Adrica. Waxuu intaasi ku daray in iyaga iyo saaxiibadooda ay qorsheeyeen inaysan Alshabaab u reebin meel ammaan ah oo ay ku dhuuntaan.

Warsaxaadeedka ayaa lagu sheegay in howlgalka wadajirka ah ee uu taageerayo taliska ciidanka Mareykanka ee Afrika iyo dadaallada caalamiga ah kor loogu qaadiyo nabadda iyo xasilloonida Soomaaliya.