Maxaa Ka Hirgalay Amarkii Madaxweyne Deni Ee Shilin Soomaaliga?

MUQDISHO-AYAAMAHA-Muddooyinkii lasoo dhaafay deegaannada uu ka arrimiyo maamul goboleedka Puntland waxaa ka jiray dhibaatooyin la xiriira sicir bararka sarifka lacagta shilin Soomaaliga iyo doolarka, iyadoo meelaha qaarna laga diiday isticmaalka shilinka. Waxaa hadda socda dadaallo lagu hirgalinayo amar uu arrintan kasoo saaray madaxweynaha maamulkaas, Siciid Cabdullaahi Deni.

Madaxweyne Deni ayaa ganacsatada ku amray inay ka shaqeeyaan sidii uu u sii shaqeyn lahaa shilinka Soomaaliga, isagoo bangiyada dowladda iyo kuwa sida gaarka ah loo leeyahayna ka dalbaday inay sameeyaan waaxyo lagu sarrifi lacagta.

Magaalada Boosaaso ayey maanta ka socdaan shirar ay leeyihiin ganacsatada iyo wakiillo ka socda dowlad goboleedka, kuwaasoo ka arrinsanaya sidii loo hirgalin lahaa amarrada kasoo baxay xafiiska madaxweynaha.

Suuqa weyn ee Boosaaso oo arrintan awgeed u xirnaa ayaa rajo laga qabaa in dib loo furo. Inkastoo maanta la filayay inuu hirgalo amarka ku aaddan sameynta goobaha sarrifka lacagaha, haddana arrintan ayaa la sheegayaa in qorshaheeda uu socon doono maalmo.