Meydadka Dadkii Shalay Ku Dhintay Qaraxii Gaalkacyo oo manta la aasayo

Allaha u Naxariistee dadkii shalay ku baa ba,ay qaraxii ka dhacay koonfurta Magaalada Gaalkacyo ayaa maanta lagu wadaa in lagu aaso qabuuro ku yaallo duleedka magaalada.

Masuuliyiin,Sarakiil ciidan,askar iyo dad shacab ah ayaa kamid ah dadka Maanta lagu aasi doono qabuuraha maga Gaalkacyo Waxaana lagu wadaa in aaskooda ay ka qeybgalaan Masuuliyiin uu Kamid yahay Madaxweynaha galmudug.

In kabadan 25 ruux ayaa shalay ku dhintay Weerar ismiidaamin ah oo ka dhacay afaafka hore Ee Garoonka ciyaaraha Cabdullaahi ciise ee Magaalada Gaalkacyo halkaasoo lagu Waday inuu Dadweynaha kala hadlo Reysulwasaaraha Xukumada Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo shalay safar ku Tagay halkaas.