Qoorqoor Oo Hal Arrin Darteed Safar Deg-Deg Ah Ugu Imaanaya Muqdisho

MUQDISHO-AYAAMAHA-Madaxweynaha dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor oo maalmo kahor dib ugu laabtay Magaalada Dhuusamareeb ayaa Maanta safar deg deg ah ugu soo wajahan Magaalada Muqdisho ee Caasimadda dalka.

Ujeedka Madaxweyne Qoorqoor ayaa waxaa uu yahay mid la xiriira Guddiyada doorashada ee hee maamul Goboleed oo shalay dowladda Federaalka qaar kamid ah Guddiyada ku xareysay Hotelka Peace ee Magaalada Muqdisho.

Guddiyada la xareeyay ayaa waxaa ay kala yihiin Guddigii doorashada dowlad Goboleedka Koofur Galbeed, Hirshabeelle iyo min saddex xubnood oo Xukuumadda ku kordhisay Guddiyada doorashada heer dowlad Goboleed.

Guddigii doorashada Galmudug ayaa ka mid noqon kuwa la xareeyay, isla markaana waxaa la sheegay in Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor uu dalbaday in dib loogu dhigo, isagoona arrintaas maanta u imaanaya Muqdisho.

Warar la helayo ayaa sheegaya in sababta uu dalbaday Qoorqoor in aan la xareyn Guddiyada Galmudug magacaawday ayaa waxaa lagu sheegay inuu doonayo in marka horey xal laga gaaro khilaafka ka taagan Guddiyada doorashooyinka heer Federaal iyo heer maamul Goboleed.

Sidoo kale Madaxweynaha Galmudug ayaa la tilmaamay inuu dib u bilaabi doono waanwaan maalmihii lasoo dhaafay uu ka dhex waday Madaxda dowladda Federaalka iyo Musharaxiinta Madaxweynaha oo khilaaf xoogan uu xiligaan u dhexeeyo.

Muran xoogan ayaa xiligaan ka taagan Guddiyada doorashada ee heer Federaal iyo heer dowlad Goboleed ee la magacaabay, waxaana siweyn uga soo horjeeda Musharaxiinta Madaxweynaha oo sheegay in Guddiyadaas aan lagu haleyn karin Doorashada Qaranka.