R/Wasaare Rooble oo Xalay Kulan Xasaasi ah Laqaatay Madaxda Bangiyada Gaarka Looleeyay.

Baledweyne Ayaamaha: Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa xalay kulan gaar ah la qaatay madaxda Bangiyada gaarka loo leeyahay ee dalka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku dhiirrigaliyay madaxda Bangiyada gaarka loo leeyahay kaalinta wanaagsan oo ay kaga jiraan horumarinta dhaqaalaha dalka, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay xafiiska Rooble.

Sidoo kale Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa u ballan qaaday in xukuumaddu u fududeyn doonto howlahooda bangiyada gaarka loo leeyahay ee dalka, ‘si dhaqaalaha dalku u hormaro.’

Kulankaan waxuu ku soo aadayaa iyadoo warbixino horay uga soo baxay dowladda lagu shaaciyey in cudurka dunida wada gaaray ee Coronavirus uu saameyn badan ku reebay dhaqaalaha dalka, oo intii badan ku tiirsan ganacsiyada gaarka loo leeyahay.