Ra’iisul Wasaare Rooble Oo Ku Wajahan Magaalada Dhuusamareeb

GAROOWE-AYAAMAHA-Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble oo ku sugan magalada Garoowe ee xarunta Gobolka Nugaal ayaa Maanta waxaa la filayaa in  uu tago Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda dowlad Goboleedka Galmudug.

Wafdi hor dhac u ah Ra’iisul Wasaaraha dalka ayaa shalay galinkii dambe gaaray magaalada dhuusamareeb, waxaana la filayaa inuu Maanta halkaasi tago, iyada oo qaban qaabada soo dhaweyntiisa laga dareemayo magalada Dhuusamareeb.

Ujeedka Rooble ayaa waxaa uu yahay sidii uu kulan ula qaadan lahaa Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor iyo Madaxda kale ee Maamulka, isagoo kala hadli doona Arrimaha doorashada dalka ka dhacaya iyo xalinta tabashooyinka jira.

Afartii Cisho ee la soo dhaafay ayaa Ra’iisul Wasaare rooble waxaa uu Magaalada Garoowe kulan kula lahaa Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni, waxaana la sheegay in kulamadaas aysan wax natiijo ah kasoo bixin, sidoo kalena xalay uu ka baaqsaday Cahso Sharaf ay u sameysay Madaxtooyada Puntland.

Madaxweyne Deni ayaa iska diiday dalab uga yimid Rooble oo ahaa in uu magacaabo Guddiyada doorashada ee Puntland ku metelaya Guddiyada la magacaabay ee heer Federaal iyo heer maamul Goboleed, isagoona shuruud adeg ku xiray arrintaas.

Deni ayaa dalbaday in marka hore la xaliyo arrinta ay isku hayaan dowladda Federaalka iyo Jubbaland  ee ku aadan Gobolka Gedo  iyo in dib u eegis lagu sameeyo Guddiga doorashada lagu muran yahay.

Ra’iisul Wasaaraha xukumadda federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa madaxda Galmudug kala hadli doono arrimaha doorashooyinka dalka ee la filayo inay dhacaan bilawga sanadka cusub ee 2021 iyo muranka ka dhashay guddiyada doorashooyinka.