Soomaaliya iyo Uganda oo Maanta Shir Deg Deg ah Kaleh Dadkii Lagu Laayay Deegaanka Goolweyn.

Beledweyne Ayaamaha: Magaalada Muqdisho maanta waxaa lagu wadaa in ay ku kulmaan guddigii uu Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya u magacaabay baarista dhacdadii Ciidamo ka tirsan Uganda ay ku dileen dad shacab ah, kuwaas oo ku noolaa Deegaanka Golweyn ee Gobolka Shabeelaha Hoose  iyo wakiilo ka socda Xukuumadda Kampala si ay wada xaajood ugu yeeshaan dil wadareedkaasi.

Ra”iisul Wasaare Rooble xubnaha guddiga oo uu magacaabay ayaa ka kooban 4-Wasiir, kuwaas oo kala ah: Wasiirada Amniga, Arrimaha Gudaha, Gaashaandhigga & Cadaaladda XFS ayaa si gaar ah ula kulmaya Danjiraha Uganda ee Soomaaliya iyo taliyaha ciidanka dowladdaas ka socda u qaabilsan howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM.

Howlgalka AMISOM gaar ahaan Dowladda Uganda ayaa hore u qiratay in Ciidamadeyda ay deegaanka Golweyn ku dileen todoba ruux , kuwaas oo shacab ah islamarkaana ay labada dhinac ay si wadajir ah u baarayaan qaabkii uu u dhacay dilkaas, iyadoo markaa kadib uu xigo bixinta Magta dadkaas & maxkamadeynta Askarta.

Ehelada marxuumiintii Ciidamada Uganda oo ka tirsan howlgalka AMISOM ay ku dileen deegaanka Golweyn ee gobolka Shabeelaha Hoose ayaa muqdisho qeybo ka midaa ka dhigay banaanbaxyo ay ku dalbanayaan Cadaaladda, iyagoo dowladda ugu baaqay in ay ka hadasho arrintaas.