Soomaaliya Malaga Yaabaa Inay Yeelato “Labo Madaxweyne”8 February Kadib?

MUQDISHO-AAAMAHA-Dadka ka faallooda arrimaha siyaasadda Geeska Afrika ayaa sheegaya in ay dhici karto in doorashooyiin iska soo horjeeda la qabto, haddii aan heshiis laga gaarin khilaafka hadda taagan ee la xiriira doorashada dalka ee 2020/21.

Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya wuxuu sheegay in “mucaaradka ay xaqiijiyaan in uusan jiri doonin hannaan barbar socda midda doorashada ee dowladda ay hoggaamineyso”, balse dhanka musharrixiinta mucaaradka ah, weli lagama hayo in ay dhankooda qaban doonaan doorasho kale.

Safiirka Britain ee Soomaaliya, Ben Fender, wuxuu sheegay in wadahadal degdeg ah uu muhiim yahay “si arrin heshiis lagu yahay loo raadiyo, in la diyaariyo waxyaabo heshiis lagu yahay iyo in la qeexo qaabka loo fulinayo oo ah si qof kasta uu ogol yahay.”

Maxamed Caalin, oo ka faallooda arrimaha siyaasadda wuxuu sheegayaa in “abo madaxweyne ay Soomaaliya yeelan karto maadaama hab qabiil ay ku saleysan tahay”.

“Waddankii hub ka dhigis lama sameyn. Hadduu muddo xileedka dhamaado, waa muddo xileed qabiil ka dhammaaday. Ninka xildhibaanka ah kursi qabiil ayuu ku fadhiyay, xisbi kuma fadhin, markaa qabaa’ilada dhexdooda ayaa kursiga isku heysta,” ayuu yiri.

Balse digniinta Safiirka Mareykanka ee ah in tallaabo laga qaadayo qofkii carqaladeeya hannaanka, malaga yaabaa in dadka qaar ay ku qasabto in ay is xakameeyaan? Caalin wuxuu aaminsan yahay in wax saameyn ah aysan yeelaneyn”.

“Maadama Mareykanka uu muujiyay astaamo ah in ciidamadiisa uu kala baxayo Soomaaliya, safiirka Britain iyo Yamamoto khudbadda ay ka jeediyeen shirka waxay u ekeeyaan wax Soomaalida mushkilad ku beeraya, sababtoo ah iyagu ma aysan sheegin in ay sameynayaan wadahadal, culeys na kama aysan dhigin in la wada heshiisiiyo,” ayuu yiri Maxamed Caalin oo BBC Somali la hadlay.

~BBC