Taliska Booliska Magaalada Boosaaso oo Gacanta Ku Dhigay Burcad Shacabka Dhici Jiray.

BaledweyneAyaamaha: Magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari waxaa xilliyadi habeenkiika dhaca in dhalinyaro hubeysan ay dhac u geystaan dadka shacabka ah.

Taliyaha Qeybta Booliska Gobalka Bari G/Sare Xuseen Cali Maxamuud oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in howlgal ay ciidamada booliska sameeyeen ay gacanta ku soo dhigeen 9 dhalin yaro ah, kuwaasi oo habeenkii dhac ka geystay xaafadaha magaalada Boosaaso.

Waalidiinta dhalinyarada dhaca geysanaysa ayuu ugu baaqay in caruurtooda ay ka celiyaan falalka burcadnimada, wuxuuna tilmaamay in ay socdaan howlgalo lagu soo qabanayo koxoaha burcada ah.

Taliyaha ayaa ku hanjabay in ay tallaabo adag ka qaadi doonaan dhalinyarada fowdada ku wada magaalada islamarkana ay u dhaadhicin doonaan xabsiyo ku yaalla Boosaaso

Ciidamada ammaanka magaalada Boosaaso ayaa waxa ay kordhiyeen hawlgalada ammaanka ay ku xaqiijinayaan, kadib markii ay bateen dhalin yarada habeenkii dadka taleefoonad ka farta.