Wariyaasha Dulyar iyo Makaraan oo Xabsiga Baladweyne Laga Sii Daayay.

Waxaa goordhow xabsiga laga sii daayay Weriyaasha kala ah Cabdulqaadir Faarax Dulyar iyo Maxamed Cismaan Makaraan oo xalay iyo saaka lagu kala Xiray saldhiga Booliska Baladweyne

Wariye dulyar ayaa loo Xiray Wareysi oo shalay Duleedka baladweye Kula yeeshay gen Abuukar xuud oo Maleeshiyaad Hubeysan ku Heysta halkaas.

Sidoo kale Xariga Agaasime Makaraan ayaa yimid kadib markii uu saakay ku booqday xabsiga Saldhiga Baledweyne wariye Cabdulqaadir Faarax Dulyar oo xalay xabsiga ku baryay.

Sii deynta wariyaashan ayaa timid Kadib kadib dadaallo Xoogan oo ay Sameeyeen wariyaasha ka howlgalo Gobolka Hiiraan iyo ururrada Bulshada Rayidka.