Wax Ka Ogoow Qasaaraha Qaraxii Gaalkacyo.

Goobjoogayaal ayaa sheegaya in xilliga qaraxu dhacayey ay garoonka galayeen saraakiil ciidan oo ka tirsan ciidamada xoogga dalka.

Saraakiisha  la xaqiijiyay in ay ku dhinteen qaraxa ayaa waxaa ka mid ah, Taliyihii Danab ee Galmudug Gen.Mukhtaar, Taliye Ku-xigeenkii ciidanka Danab ee magaalada Gaalkacyo dhanka Galmudug Generaal Maarsho.

Waxaa sidoo kale la xaqiijiyay duqii hore ee Gaalkacyo ee dhinaca Puntland Maxamuud Yaasiin Axmed Tumay.

Waxaa sidoo kale  dhaawac culus oo soo gaaray u geeriyooday taliyahii qeybta 21-aad ee Ciidanka xooga Qooje digaari.

Xaaladda guud ee magalaada  ayaa caawa kacsan, mana jiro weli wax war ah oo ka soo baxay laamaha ammaanka ee qeybta Galmudug ee koofurta Gaalkacyo