WHO oo Gudi Heer Caalami ah u Direysa Shiinaha.

Koox ka kooban 10 saynisyahanno caalami ah ayaa u safri doona magaalada Shiinaha ku taalla ee uu ka soo bilowday Covid-19, sida uu sheegay Ururka Caafimaadka Adduunka (WHO).

Beijing ayaa ka caga jiideysay inay oggolaato in baaritaan madax bannaan lagu sameeyo waxayna qaadatay bilooyin badan oo wada xaajood ah si WHO loogu oggolaado inay tagaan magaalada.

Fayraska ayaa loo maleynayaa inuu ka soo bilowday suuq xayawaanka lagu iibiyo oo ku yaalla magaalada.

Balse baaritaanka halka uu ka soo bilowday ayaa shaki abuurtay, gaar ahaanna Mareykanka ayaa su`aal geliyay