Xaalka Gobolka Gedo oo Faraha Kasii Baxaya iyo Gaadiid Dagaal oo Maanta….

Ilo Xog ogaal ah oo Kusugan gobolka Gedo Ayaa kusoo waramaya in dawlada Federaalka ah ee Soomaaliya ay maanta gaadiid dagaal gaysay gobolkaasi.

Gadiidkan oo ah kuwo fara badan balse aan la xaqiijin ilaa iyo hadda tiradooda rasmiga ah ayaa waxa ay dawladdu ka dajisay magaalada Doolow ee gobolka Gedo.

Waxa ay wararku sheegayaan in gaadiidkan dagaal ay ugu talo gashay in ay isticmaalaan ciidamadeeda ku sugan xad benaadka ay Soomaaliya la wadaagto Kenya gaar ahaan magaalada Beled Xaawo iyo Mandheera.

Maalmihii u dambeeyay ayay sidoo kale wararku intaa ku darayaan in dawladda Soomaaliya ay hub iyo ciidamo ku daabuleysay Gobolka Gedo.