Xog: Ingiriiska oo Muwaadiniintiisa Ku Amray ineey Deg Deg ugu Baxaan Soomaaliya.

Dowladda Ingiriiska ,ayaa amar ku siisay muwaadiniinteeda ku sugan Soomaaliya, in ay sida ugu dhakhsaha badan uga baxaan, sababo Amni dartood.

Qoraal ka soo baxay Xafiiska Arrimaha Dibadda iyo Barwaaqa-sooranka dowladda Ingiriiska, ayaa lagu amray dhammaan muwaadiniinta u dhashay UK, in ay isaga baxaan Soomaaliya ,oo ay ku jirto Somaliland.

Sidoo kale, dhammaan muwaadiniinta Ingiriiska waxa lagula taliyay, in aysan u safrin Soomaaliya marka laga reebo safarada daruuriga ah, kuwaas oo ay waajib tahay in taxaddar dheeriya la muujiyo.

Muwaadiniinta Ingiriiska, waxa lagu waaniyay in ay feejignaan iyo taxaddar xooggan muujiyaan, haddii ay safaro muhiim ah u booqdaan magaalooyinka Hargeysa iyo Berbera, si looga gaashaanto wax kasta oo dhici kara.

Dowladda Ingiriisku waxay sheegtay in ay jirto digniin xooggan oo ku saabsan, in kooxaha Argagixisada ah ee gudaha Soomaaliya ay qorshaynayaan weerarro iyo af-duub ka dhan ah dadka Reer Galbeedka ah iyo shaqaalaha u shaqeeya hay’adaha Reer Galbeedka.

Digniintu waxay muujinaysa, in weerarro Argagixiso halis ah lala beegsan karo gooba muhiim ah oo ku yaalla Muqdisho iyo Somaliland, kuwaas oo laga cabsi qabo in si aan kala sooc lahayn loogu beegsado Rayidka.