XOG:-Ra’iisul wasaare Rooble Oo Isimada Puntland Uga Dacwooday Siciid Deni.

GAROOWE-AYAAMAHA-Warar lagu kalsoon yahay ayaa waxay sheegayaan in Ra’iisul Wasaaraha XFS Maxamed Xuseen Roble uu warbixin ballaaran ka siiyey Isimada iyo salaadiinta Puntland xaaladda siyaasadeed ee wadanku marayo, khaasatan caqabadaha hortaagan arrimaha doorashooyinka oo ay ugu wayn tahay sidii Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni uu u fulin lahaa heshiiskii siyaasadeed ee la gaaray 17kii Sebteembar 2020.

Ra’isulwasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa Isimada Puntland si gaar ah uga Dacwooday Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland isagoo usheegay hadii ay diidaan iney fuliyaan heshiisyadii Doorashooyinka Ee Lagaaray in Dowlada Fedaraalka ay qaban doonto Doorasho waqtigeda kudhacdo hadii Axmed Madoobe iyo Siciid Deni ay ka Dhaga adeegaan Magacaabista Gudiyada doorashooyinka Ee Kudhiman labadaas Maamul.

Kulanka dhexmaray Isimada Puntland iyo Ra’isulwasaare rooble ayaa ku dhamaaday in Rooble ka codsaday in isimadu War cad ka keenaan Siciid Cabdulaahi Deni ayna qaataan Doorkooda Dhaqameednimo ee uga Aadan Khilaafka Ka taagan Doorashooyinka Dalka.