XOG: Ujeedka Baarlamaanka Hirshabeelle Ay Maanta Muda Xileedka ugu Kordhiyeen Md Cali Guudlaawe.

Kulan ay xildhibaanada baarlamaanka HirShabeelle ay maanta ku yeesheen magaalada Jowhar ayaa cod loogu qaaday in Madaxweyne Cali Guudlaawe loo kordhiyo mudada uu ku soo magacaabayo golihiisa wasiirrada.

Kulankaas waxaa soo xaadiray 56-xildhibaan, waxaana cod gacan taag ah lagu ansixiyey codsi golaha uga yimid madaxweyne Cali Guudlaawe, kaas oo ahaa in loo kordhiyo mudada uu ku soo magacaabayo golihiisa cusub ee wasiirrada.

Warar Hoose oo ah Heshay warbaahinta ayaamaha ayaa sheegaya in Codsiga Madaxweynaha ee mudo kordhinta Golaha Wasiirada uu laxiriiro culeysyo Madaxweynaha ka heysta Nooca golahiisa Wasiirada cusub ee uu soo dhisi doono Iyadoo lasheegay in guudlaawe uu doonayo gole wasiiro oo ka duwan kuwii hore ee Hirshabeelle.

Dhammaan 56-ka xildhibaan ee soo xaadirtay kulankaas ayaa u codeeyey in mudo 45-cisho ah madaxweynaha loogu daro waqtiga uu u heysto inuu ku soo magacaabo golaha cusub ee wasiirrada HirShabeelle, sida uu ku dhawaaqay guddoomiyaha baarlamaanka HirShabeelle Cabdixakiin Luqmaan Xaaji