Xog: Wax Ka Oogoow Safarka Muuse Biixi uu Maanta Ku Tagayo Jabuuti.

Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta u ambabaxay Magaalada Jabuuti ee waddanka Jabuuti.

Qoraal ka soo baxay Madaxtooyada Somaliland, ayaa lagu sheegay in Madaxweyne Muuse Biixi uu marti-qaad rasmiya ka helay Madaxweynaha waddanka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle.

Labada Madaxweyne, oo kulan gaar ah yeelan doona, sida Madaxtooyada Somaliland sheegtay  waxaa ay ka wada-hadli doonaan xoojinta xiriirka labada dhinac iyo danaha ka dhexeeya Somaliland iyo Jabuuti.

Madaxweyne Muuse Biixi, waxa ku wehelinaya safarkiisa shaqo wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon).