Xoogaga Al-Shabab oo Xalay Dagaal Kula Wareegay Deegaanka Ceeldheere ee Gobolka Galgaduud.

BaledweyneAyaanaha: Dagaalameyaal ka tirsan Al-Shabaab ayaa xalay weerar ku qaaday deegaanka Ceeldheere ee gobolka Galgaduud.

Dadka Deegaanka ayaa sheegay in dagaalka uu mudo saacado ah ka socday deegaanka Ceeldheere oo u dhexeeya Magaalooyinka Dhuusamareeb iyo Guriceel ee gobolka Galgaduud.

Wararka ayaa intaas ku daraya in Al-shabaab ay la wareegeen deegaanka Ceeldheere, inkastoo markii dambe ay isaga baxeen.

Ciidamo ka tirsan miltariga Soomaaliya ayaa gaaray deegaanka Ceeldheere, iyagoona saakay howlgalo ka wada deegaankaasi.

Ma jiraan weli wax war ah oo ka soo baxay dhanka Maamulka Galmudug