Yoweri Museveni oo Hogaaminyo Cododka Doorashada Uganda.

Guddiga doorashada ee dalkaasi ayaa meesha ka saaray eedeymaha ku saabsan wax isdabamarinta codadka, oo uu soo jeediyay murashaxa mucaaradka Bobi Wine, oo ah fanaan isu badalay siyaasi.

Laakiin kormeerayaasha doorashada ayaa sheegaya in kalsoonida tirinta ay waxyeelo u geysatay khadka internet-ka oo dalkaasi ka go’an seddexdii maalmood u dambeeyay.

Natiijada kama dambeysta ah ayaa lagu wadaa in la shaaciyo maanta oo sabti ah.

Tiro dad ah ayaa la dilay intii ay socdeen ololaha doorashada oo rabshado u dhexeeya booliska iyo taagerayasha mucaaradka.

Sidoo kale siyaasiyiinta mucaaradka waxay dowlada ku eedeeyeen in ay dhibaateyneyso.

Madaxweyne Museveni, oo xukunka hayey 35 sano, ayaa rajeynaya in mar lixaad loo doorto xilka.

Robert Kyagulanyi, oo caan ku ah magaca Bobi Wine, ayaa sheegay inuu matalayo dhallinyarada dalka, halka Yoweri Museveni, oo 76 sano jir ah, uu ku ololeyanaya inuu dalka Uganda u horseeday xasillooni.