Cabashada natiijada imtixaanka Dugsiga sare ee sanad Dugsiyeedka 2022/23

MUQDISHO_AYAAMAHA-Xafiiska imtixaanaadka iyo shahaadooyinka oo ka jawaabaya hadalkii Wasiirka Wasaaradda Waxbarashda Hiddaha iyo Tacliinta Sare, Mudane Faarax Sheekh Cabdulqaadir ee ahaa in ardaydu ay soo gudbin karaan wixii cabashooyin ah ee la xariira natiijadii imtixaanka ayaa waxa uu ku howlan yahay dib u eegista cabashooyinkaas, iyada oo dib loo baarayo buuggii jawaabaha ardayga.