Ciidamada Soomaaliya oo helay hub culus iyo diyaarado

 

MOQDISHO-AYAAMAHA- La-taliyaha Amniga Qaranka ee madaxeynaha Soomaaliya ayaa sheegay in ciidamada dawladda ay heleen hub culus oo ay u adeegsan doonaan hawlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab.

Xuseen Sheekh Cali ayaa u sheegay VOA in hubkaasi ay ka mid yihiin diyaaradaha qumaatiga u ah, hoobiyeyaal iyo hubka lidka diyaaradaha loona adeegsado dagaallada Soomaaliya ee ZU.

Dhinaca kale waxa uu Xuseen Sheekh Cali sheegay in dhammaadka sannadkan dalka Maraykanka lagu qaban doono shir dhaqaale loogu ururinayo dhismaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliy,a si ay dawladda Soomaaliya awood ugu hesho inay ku filnaato ciidankeeda wixii ka danbeeya 2027.