Dhalinyaro Somali ah oo canada lagu dilay

MUQDISHO_AYAAMAHA-Faah faahinno dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Dad Soomaali ah oo xalay lagu dilay Caasimadda dalka Canada, waxaana weerarkaasi  lagu qaaday goob ay ka socotay xaflad aroos ah oo dad Soomaali ah ayaa dhiganayeen.

Booliska Caasimadda dalka Canada ee Ottawa, ayaa wada baaritaan ku saabsan weerar koox hubeysan ay xalay ku qaadday xaflad aroos oo Soomaali ay leedahay kana dhacaysay koonfurta magaalada.

Ugu yaraan laba qof ayaa ku dhintay falkaas lix qof oo kalena way ku dhaawacantay, mid ka mid ah dhalinyarada lagu dilay goobtaasi ayaa  kala  magacaabi jiray Siciid Maxamed Cali iyo Cabdi Shakuur Cabdi Daahir.

Xafladda oo ahayd mid farxadeed ayaa isku badeshay murugo, iyadoo dadkii arooska ka qayb galayay ay sheegeen in dhacdadaan ay ka argagaxeen.