Dowladaha Eritrea & Somalia ka wada hadlay xoojinta xiriirka labada dal

MUQDISHO_AYAAMAHA– Safiirka Soomaaliya ee Uganda Danjire, Cali Maxamed Maxamuud Cali Cagabaruur ayaa xarunta safaaradda Soomaaliya ee Uganda ku qaabbilay safiirka dowladda  Eritrea u jooga Uganda ahna hormuudka guud ee safiirrada jooga dalk Uganda (Dean of diplomatic corps)  Amb. Mohammed Sulieman Ahmed

Labada safiir ayaa ka wada hadlay xariirka labada dal ee saaxiibbada ah iyo sidii iskaashi labada dhinac u sameyn lahaayeen, iyagoo sidoo kale isku soo qaaday dardargalinta howlaha diblumaasiyiinta ka howl-gala dalka Uganda.

Safiirka Eritrea Mohammed Sulieman Ahmed ayaa ka mahadceliyay sida diiran ee safaaradda Soomaaliya ee Uganda loogu soo dhaweeyay, taasoo muujinaysa xariirka wanaagsan ee labada dowladood ee saaxiibada ah ka dhaxeeya.

Dhankiisa Safiir Cali oo ka mahad celiyey booqashada uu safaaradda noogu yimid, sidoo kalena ka mahadceliyay ka qayb qaadashada  dowladda Eretria dib u dhiska ciidanka xoogga Qaranka Soomaaliyeed, una sheegay in si dhaw safiir ahaan ula shaqeyn doono saaxiibkiis safiirka Eritrea ee Uganda.