Dowladda soomaalia oo sheegtay in howlgal gaar ah lagu dilay 30 katirsan Al-Shabaab

MUQDISHO-AYAAMAHA-Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa saakay hawlgal qorshaysan ka fuliyay deegaanka Ceel-qurac oo ku yaalla xadka u dhaxeeya Goballada Galguduud iyo Shabeelaha dhexe.

Taliyaha guutada 18aad ee kumaandooska Gorgor, Bashiir Cabdullaahi, ayaa sheegay in ciidanku ay howlgalkan ku beegsadeen goob ay isku uruursanayeen xubno katirsan Al-Shabaab.

Taliyaha ayaa sheegay in howlgalkan lagu dilay in ka badan 30 ka tirsan dagaalamayaasha Alshabaab, iyadoo ciidamadu kala wareegeen hub iyo agab kale oo ciidan.

Waxa uu sheegay in ciidamada xoogga dalku ay burburiyeen saldhiggii Al-Shabaab ay ku lahaayeen deegaanka Ceel- Qurac, waxaana hadda socda howlgal lagu raad joogo Xubnihii Al-Shabaab.

Dhowr maalin ka hor ayay ahayd markii dowladda howlgal ay ka fuliyeen degaano hoos yimaada Galcad ku dishay dagaalamayaal katirsan Shabaab, waxaana Ciidanka dowladda ay u muuqdaan kuwo kordhiyay howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab.