Faah-faahin : Dagaal hiiraaan ka dhacay

MUQDISHO_AYAAMAHA-Dagaal xoogan oo u dhaxeeyay Ciidamada Macawiisleyda iyo xoogagga SSC iyo Xubno katirsan Ururka Al-Shabaab ayaa waxaa uu ka dhacay degaanka Aboorey ee Gobolka Hiiraan.

Dagaalka ayaa waxaa uu yimid kaidb markii Xubno katirsan Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen Saldhigyada Ciidamada Macawiisleyda ay ku leeyihiin degaanka Abooreey oo 20km dhinaca Bari kaxiga degmada Buulo-Burde ee Gobolka Hiiraan.

Goobjoogayaal ayaa sheegay in ay maqlayeen dhawaqa rasaasta ay isku adegsanayeen labada dhinac, isla markaana uu jiro khasaaro ka dhashay dagaalka wallow ilaa iyo hadda aan laga helin faah faahino dheeraad ah.