Faah Faahino ka soo baxaya dagaal ka dhacay Magaalada Garowe

MUQDISHO_AYAAMAHA-Fah Faahino ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay dagaal xalay ka dhacay magaalada Garoowe ee xarunta gobolka Nugaal .

Dagaalka ayaa u dhexeyay Ciidamad Boolisk Puntland iyo Kooxo Hubeysan oo taabacsan Mucaaradka Puntland la dhacay Xaafada Israac ee Magaalada Garowe.

Taliye ku xigeenka booliska gobolka Nugaal oo la hadlay warbaahinta ayaa ka hadlay  sida uu ku bilaabmay dagaalka oo qaatay ku dhawaad Hal Saac wuxuuna sheegay in dagaalka uu u dhexeeyay ciidamada amniga iyo koox hubeysan oo tegtay saldhigga Israac.

Sidoo lale Waxa uu  sheegay marka hore dhacdada ay ka bilaabatay shil gaari oo ay geysteen kooxda hubeysan, kadibna ay isku dayeen inay khalkhal-geliyaan Amniga saldhigga balse ay ka hortageen .

Inta la ogyahay hal qof ayaa ku dhaawacmay dagaalka , kaas oo uu soo gaaray dhaawac fudud, sida uu sheegay taliye ku xigeenka booliska gobolka Nugaal Puntlnd .